Madaxweynaha Galmudug oo kormeeray xabsi laga dhisayo Gaalkacyo

Date:

Xabsi laga hirgelinayo duleedka  koofureed ee magaalada Gaalkacyo kuna fadhiya dhul dhan 500 mitir ayaa waxaa maanta  kormeeray  madaxweynaah Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf”.
Madaxweynaha Galmudug  oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka  gobolka Mudug ayaa kormeerkiisa  ku tegay dhismaha qabyada ah ee xabiga oo loogu tala galay in lagu xiro dadka galay danbiyada kala duwan.
Xaaf oo halkaasi  ka hadlay ayaa sheegay in maamulkiisu uu ku dadaali doono dhameystirka dhismaha xabsiga si loo helo meel danbiilayaasha lagu xiro.
Sidoo kale bulshada deegaanka ayuu ugu baaqay inay maamulka la shaqeyaan si loo gaaro horumur iyo nabad gelyo.
Waxaa uu sheegay in la soo wareejin doono  maxaabiista ku xiran deegaannad Somaliland iyo Puntland marka la dhameeyo dhismaha xabsigan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DEG DEG: Ra’iisal wasaaraha XFS oo isku shaandheyn ku sameeyay xubno ka tirsan golaha wasiirada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo deeqa dawo ah gaarsiiyay isbitaalka Xoogga Dalka

Wasiirro iyo xilidhaano katirsan BJFS ayaa maanta deeq dawo...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO QAABILAY SAFIIRKA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo maalinkii 2-aad ka socoto 6-degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...