Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada oo billowday adeeggii Astaanta Qaran ee Internetka (.SO)

Date:

(Muqdisho – June 06, 2017) Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa ku dhawaaqday in si rasmi ah loo billaabay adeegyadii astaanta internet-ka ee qaranka Soomaaliyeed (dotSO) ee loogu talogalay wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladda.

Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallo is daba joog ah oo qeyb ka ah qorshe 90 maalmood ah, oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada, kaasi oo ay Wasaaraddu ku dooneyso inay adeeggaas uga dhigto mid si buuxda uga hawl-gala gudaha Wasaaradda.

Bishii May ee sanadkan waxaa si rasmi ah u billowday in dhammaan wasaaradaha dawladda loo sameeyo emails leh astaanta dowladda ee (.gov.so). Marka la dhammeeyo adeegyada hay’adaha federaalka, waxaa qorshaha ku jira sidii adeegga dotSO loo gaarsiin lahaa dawlad-goboleedyada, shirkadaha, waxbarashada iyo guud ahaan shacabka, si muwaadiniintu uga faa’iideystaan adeeggan ay xaqa u leeyihiin.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in isla markii uu xilka la wareegay inuu mudnaanta 1aad ka dhigtay in adeegga astaanta qaranka ee internetka uu si habsami leh uga shaqo billaabo dalka, isagoo hoos imanaya wasaaradda. “Waxyaabo badan ayaa noo hirgalay muddo kooban gudaheed. Waxaan u mahad celinayaa Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirrada oo nagu taageeray qorshaha aan arrintan u sameynay iyo cid kasta oo nagala shaqeysay hawshan.”

“Astaanta qaranka ee internet-ka waa aqoonsiga aan ku leenahay internet-ka. Haddii aan isticmaalno waxaan muuqaal wanaagsan ka bixineynaa wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee aan matalno iyo guud ahaan dawladdaba. Haddaba waxaan ku wargelineynaa dhammaan hay’adaha dawladda inay soo dalbadaan cinwaanno (domains) iyo email-o shaqo,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirka.

DHAMMAAD –

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...