Dowladda Soomaaliya ayaa Faahfaahin ka bixisay Halka uu maraayo howlgalka Xasilinta caasimadda Soomaaliya.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Eng C/raxmaan Yariisow oo ka hadlay howlgalka Xasilinta Caasimadda ayaa sheegay in la diyaariyey Ciidamo 1500 oo askari oo isku dhaf ah oo isugu jiro Boolis , Nabadsugid iyo weliba Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladaan ay tahay Dowladd ay leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed waxa uuna sheegay in howlgalka Xasilinta  Caasimadda in uu ka dhashay codsiga iyo rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed ee ahaa in la nabadeeyo Caasimadda iyo guud ahaan Dalka.

Eng Yariisow ayaa sheegay in ay jiraan dad yar oo ka biya diidsan in la qaado hubka waaweyn waxaana uu xusay in aan dhag jalaq loo siin doonin isla markaana go’aan ay ka tahay Dowladda Soomaaliya aruurinta hubka Waaweyn si loo xasiliyo Caasimadda iyo Guud ahaan Goboladda Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay...

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

Muqdisho, Feberaayo 19, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay Siyaasadda Madaxda Qaranka ay ku wajaheen dagaalka Khawaarijta

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in siyaasadda iyo diblomaasiyadda...

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

Madaxa xafiiska arrimaha Xajka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha...