Dalka Boqortooyada Sacuudiga oo loo qaaday askar qaba dhaawacyo kala duwan

Date:

Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Axmed Jimcaale Geeddi ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo qabay dhaawacyo kala duwan, kuwaasi oo waxyeelo ka soo gaaray iyaga oo gudanaya waajibaadka loo idmaday, isla markaana xaaladooda caafimaad dalka wax looga qaban waayay ayaa loo qaaday dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Askarta ayaa lagu qaaday diyaarad qaas ah oo ay Boqortooyada Sacuudiga u soo dirtay Soomaaliya, waxaana uu taliyaha u qeybiyay askarta dhaawacyada qaba ee la qaaday lacago ay ka dhigtaan sahay.

Labo ka mid ah askarta qaba dhaawacyada ee loo qaaday dalka Sacuudiga ayaa inta aysan ka dhoofin dalka ka hadlay xaaladooda caafimaad iyo sida ay u arkaan gurmadka caafimaad ee loo sameeyay.

Janeraal Libaan Xuseen Madaxa Hogaanka Caafimaadka ee ciidanka Xoogga Dalka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in askartan ay ku soo dhaawacmeen difaaca dalkooda iyo ka hortagga falalka ay argagixisadu ku heyso shacabka.

Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaalieed Sareeyo Gaas Axmed Jimcaale Geeddi ayaa sheegay in Taliska ciidanka Xoogga ay ka go’antahay daryeel u fidinta ciidamada ku soo dhaawacma difaaca dalkooda, isagoo uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudiga kaalmada caafimaad ee ay u fidisay.

Waa markii labaad tiro ciidan oo qaba dhaawacyo loogu qaado dalka boqortooyada Sacuudiga, kuwaasi oo xaaladooda caafimaad wax looga qaban waayay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dekadaha XFS oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Muqdisho ka furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalka Morocco.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Booqday Xarunta Dhexe ee Warbaahinta Malaysia.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS,...