Golaha wasiirrada oo ka hadlay dib u habeynta safaaradaha

Date:

Muqdisho, 1, April 2017 – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. kulanka ayaa waxaa warbixino looga dhageystay qaar kamid ah Wasaaradaha iyo Hay’adaha ammaanka.

Ugu horeyn, Golaha ayaa warbixin ka dhageystay Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mudane C/laahi Sanbaloolshe oo ka hadlay howlgallo ay ciidamada amnigu ka sameeyeen Caasimadda inta lagu guda jirey bishan Ramadan, wuxuna tilmaamay in la fashiliyey lana fuliyey qorshe-yaal badan oo cadowgu doonayeen in ay ku qal-qalgeliyaan amniga Muqdisho.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka, Marwo Maryam Qaasim ayaa ka warbixisay safaro ay ku tagtay gobollada Bay, Bakool iyo Gedo, waxaana ay sheegtay in dadka gobolladaasi dagan ay ku sugan yihiin xaalad adag, gaar ahaan degmada Waajid oo go’doon ay galiyeen kooxaha Argagixisada una baahan gurmad in loo fidiyo shacabka halkaasi dagan.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Yuusuf Garaad ayaa laga dhageystay warbixin ku aadan Qorshaha iyo qaabka wax ka badelka wasaaradda iyo safiirada dibedda u jooga Soomaaliya, wuxuna tilmaamay Wasiirku in loo baahan yahay dib-u habayn in lagu sameeyo qaabka ay u shaqeeyaan safaaradaha dibedda ugu yaalla Soomaaliya, isla markaana la dhaqan geliyo sharcigii arrimiha dibedda ee horey loo ansixiyey.

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa Golaha Wasiirada kula dar-daarmay in howlaha muhiimka ah ee horyaala dhaqso loo fuliyo si shacabka Soomaaliyeed ay u gaaraan adeegyada ay u baahan yihiin.

—-DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...