tartameyaasha Shangaani oo wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka Ramadaanka u gudbtay

Date:

Tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka ee degmooyinka gobollada dalka oo uu taabagelinayo maamulka gobolka Benaadir, isla markaana dhexmaray degmooyinka Shangaani iyo Waabari, ayaa soo gabogaboobey.

Labada degmo waxa ay ka wada tirsan yihiin gobolka Benaadir.

Labada degmo markii la weydiiyey min afar suโ€™aan ayaa la galay qadar nasasho ah, waxaana looga faaโ€™ideystay daqiiqadahaas in lagu soo bandhigo warbixinno ka hadlaya Taariikhda labada degmo ay ku caan baxayn, iyadoo wariyeyaasha SNTV & RM ay soo gudiyeen muuqaallo iyo warbixanno aad u xiiso badnaa, si ay u xoogeysato isbarashada iyo isdhexgalka degmooyinka Waabari iyo Shangaani.

Sidoo  kale majaajiliisteyaasha C/qaadir Abahaa iyo Jaajuumoow, ayaa u ruwaayadeynayey daawadeyaasha iyo dhageysteyaasha Radio Muqdisho inta tartanka uu socdey, gabogabada tartanka guddiga ayaa soo gudbiyey sida uu ku dhammaadey tartanka.

Natiijada degmada Shangaani

Axmed Cali Kaahiye oo guddiga tartanka ka tirsan ayaa sidaan u shaaciyey  natiijada Shangaani, โ€œTartankii caawa oo aad u xiisa badnaa,  degmada Shangaani waxaa la weydiiyey Toddobo suโ€™aal oo  toos ah, waxa ay ka jawaabeen hal Suโ€™aal, laba ka mid ah suโ€™aallaha si ka faaโ€™ideysi ah ayeey u heleen, lix suโ€™aalna ma aysan haleenin, sidaas darteed afar dhibcood ayeey uruursadeen.

Natiijada degmada Waabari

Sidoo kale degmada Waabari waxaa la weydiiyey Toddobo suโ€™aal oo iyana toos ahaa, hal suโ€™aal ayeey ka jawaabbeen Lix ka mid ah waa ay hareer mareyn, wax ka faaโ€™ideysi ahna ma aysan helin degmada Waabari, laba dhibcood ayeey sidaa ku heleen, wareegga labaad nasiib umma yeelan.

Guddiga ayaa sheegay in degmada Shangaani ay u gudubtay wareegga labaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee bisha Ramadaan, habeen dambe waxaa tartami doona degmooyinka Boondheere oo ka tirsan gobolka Benaadir iyo Gaalkacyo oo ka tirsan gobolka Mudug.

Habeen dambe Boondheere Vs Gaalkacyo

 

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale