Degmooyinka Jowhar oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe iyo Baladweyne oo ka tirsan gobolka Hiiraan, ayaa caawa ku tartamayay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ay qabaneyso.
Tartan Cilmiyeedkaan ayaa galay habeenkii labaad, iyadoo xalay degmooyinka Xudur iyo Warta-nabadda ay ka qeyb-galeen, isla markaana degmada Warta-nabadda ay u soo gudubtay wareegga labaad, labada degmo ee caawa tartamayey ay ka tirsan yihiin dowlad gobolleedka Hir-shabeelle
Yaxye Cali Faarax oo ka tirsan guddiga ayaa akhriyey sharuucda lagu hagi doono dhammaan maalmaha bisha Ramadaan ee uu tartanka uu socdo, kaas oo ka kooban 20 qodob oo degmo walba laga doonayo in ay ilaaliso.
Ugu dambeyn bilowga tartanka ayaa degmada Jowhar laga waayey Qadka Teleefoonka, guddiga tartanka ayaana shaaciyey in degmada Jowhar cudur daar la’aan ay waqti badan ka maqneyd hawada kaddibna waxa ay sheegeen in aysan diyaar u aheyn tartanka caawa, sidaa darteedna degmada Jowhar ay ka hartay guud ahaan tartan Cilmiyeedka, guddiga waxa uu sheegay in degmada Baladweyne ay u gudubtay wareegga Labaad ee Tartan Cilmiyeedka.