Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay dhiggiisa dalka Qatar

Date:

Madaweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa magaalada Doxa ee dalka Qadar Amiirka dalkaasi Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani.

Madaxweyne farmaajo iyo amiirka Qatar  ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iyadoo amiirka Qadar uu u ballan-qaaday madaxweyne Farmaajo in ay ka qeyb qaadanayaan dib u dhiska dalkeenna Soomaaliya iyo horumarintiisaba.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad celiyey dowladda Qatar taageerada ay weligeed la garab taagneyd shacabka Sooomaaliyeed iyo mashaariicda ay ka wadaan dalka.

Waxaa kulankan goob joog ka ahaa wasiirro ka tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Qatar, iyadoo dhinaca kale wasiirrada arrimaha dibeda ee labada dal ay kala saxiixden heshiisyo iskaashi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...