Xukuumadda oo wadda qorshe lagu mideynayo Mushaarka Ciidanka.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Dawladdu ay ka shaqeynayso sidii loo mideyn lahaa mushaaraadka Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed oo hadda qeybo kamid ah ay bixintooda iska kaashadaan Dawladda iyo qaar kamid ah wadamada taageera Soomaaliya, kadib markii uu Ra’iisul Wasaaruhu dhageystay cabashada Ciidanka iyo sida ay ugu qanacsan yihiin in dawladdoodu ay siiso mushaaraadka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xusay in bixinta mushaarka Ciidanka iyo shaqaalaha dawladdu ay tahay mid kamid ah mudnaanta koowaad ee Dawladda, si hadafkaas looga dhabeeyana ay Xukuumaddu sameyn doonto in hal mar ay wada gaaraan ciidanka mushaarkiisu.

“Ma ahan oo keliya in afka laga yiraahdo waxaan bixinaa mushaar ciidan ee waa in ficil dhameytiran loo badalaa oo isla xisaabtan la socdo“.

“markaan dhageysanay cabashada ciidanka waxaa noo soo baxday kuwa qaata mushaarka dawladda in waqtigii la rabay uu gaaro mushaarku, laakiinse kuwa meelaha kale laga siiyo aysan mushaar helin xili fog, si aan taas uga gudubno waxaan ka shaqeynaynaa mushaar mideysan oo gacanta dawladda ka yimaada. Inaad xukuntu ciidamo aan mushaar la siin waa dhibaato, waayo amaradaadu waxa ay ku dhacayaan dhago owdan, uma wadi kartid furumaha dagaalka oo waxa ay ku weydiinayaan maxaan u dhimaneynaa,” ayuu yiri R.W Kheyre.

R.Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in dawladdu ay furi doonto sanduuq dhaqaale loogu aruurin doono Ciidanka, isagoona ka dal baday Shacabka Soomaaliyeed in kaalintooda ay ka qaataan dhaqaalaha ku baxaya ciidanka, taas oo uu sheegay inay wax badan ka tareyso xagga bixinta mushaarka Ciidamadeena.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, ayaa ku guuleysatay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay bixinta mushaarka Ciidanka iyo Shaqaalaha, iyadoo dhinaca kale ay dawladdu wado qorshe sal ballaaran oo looga gudbayo nidaamkii hore ee kala qeyb sanaanta mushaaraadka.

DHAMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...