Madaxwayne Farmaajo oo booqasho ugu tagay Sheekh C/rashiid Sh. Cali Suufi

Date:

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi “Farmaajo” ayaa Booqasho Sharafeed ugu tagay Sheekh Cabdurashiid Cali Suufi, Masaajidka uu iimaamka ka yahay ee ku yaala magaalada Doha ee dalka Qadar.

Sheekh Cabdirashiid ayaa Halkaasi si ballaadhan ugu soo dhoweeyay Madaxwaynaha iyo Wafdigiisa  waxayna la Tukadeen Salaadda Makhrib, iyagoo iska xog waraystay xaaladda dalka uu Marayo iyo halka ay Xukuumadda Soomaaliya Hiigsanayso Sanadaha soo Socda.

Sheekh Cabdirashiid ayaa  Madasha ka soo jeediyey Farriin Qiimo badan iyo Dar-daaran, isagoo Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay Qabsadaan Xariga Alle.

Booqashada Madaxwaynaha iyo Wafdigiisu ay ku Sharfeen Sheekh Cabdirashiid ayaa Muujinaysa Doorka wayn ee Culimada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Bulshada,

Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi ayaa wuxuu Caan ku hayay codka uu alle Hibada u siisay ee qiraa’ada Qur’aanka Kariimka, wuxuuna ka mid yahay Culimada ugu caansan dalalka Islaamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo Shabeelaha hoose laga fuliyey

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay...

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulammo doceedyo la yeelatay Madax kala duwan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....