Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo heshiisyo waa weyn Doha ku gaaray

Date:

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar, ayaa ku heshiiyey in Soomaaliya laga teegeero sidii loo furi lahaa dib u heshiisiin Qaran iyo horu wadidda xiriirka labada dal.

Magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar, waxaa ku sugan wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,  madaxweynaha ayaa la kulmay Amiirka dalkaasi Qatar iyo madaxda kale ee waddankaas, waxa ay wada gaareen heshiisyo dhowr ah

Wasiirrada Arrimaha Dibedda Soomaaliya iyo Qatar ayaa shir jaraa’id ku qabtay Doha, iyagoo faah-faahiyey heshiisyada waxa ay ku aaddan yihiin.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, ayaa sheegay in  labada dowladood ay ku heshiiyeen sidii loo taageeri lahaa aragtida ay waddo dowladda cusub ee madaxweynaha Farmaajo uu ku hoggaaminayo in dowladda Qatar ay Soomaaliya ka taageerto dhinacyada amniga iyo dib u heshiisiinta Qaran ee ay dhowaan bilaabi doonto dowladda.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu  gaarsiiyey dalka Qatar  Amiirka dalkaasi dhambaal mahadcelin ah oo la xiriira sida shacabka Soomaaliyeed ugu qanacsan yihiin  isla markaana ay mahad uga hayaan taageerada ay ka helaan walaalahood reer Qatar.

Hehisiiyo kale ayaa lagu gaaray magaalada Doha, kuwaas oo ay dhowaan si rasmi ah uga hadli doonaan madaxweynaha iyo masuuliyiinta dalka Qatar.

Dowladda Qatar ayaa soo dhoweysay madaxweynaha  iyo wefdigiisa, sheegtayna in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga jawaabi doonaan, arrimo ay ka yihiin gargaarka bini’aadannimo, kaalmooyinka tooska ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed loo fidinayo iyo iskaashiga diblomaasiyaddeed ee labada dal.

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir dowlaha amniga oo kulan la qaatay masuuliyiin ka tirsan hawlgalka QM ee UNTMIS

Wasiir dowlaha Wasaaradda amniga gudaha mudane Maxamed Cali Xagaa...

Shirweynaha Qaran ee maareynta hubka oo Muqdisho ka furmay

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta shir soconaya muddo labo...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxwaynaha Galmudug oo daah-furay ololaha diiwaan-gelinta codbixiyaasha doorashooyinka qof iyo codka ah

Madaxweynaha Dowladda goboleed Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa...