Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo Garoowe Ku Qaabilay Madaxa Xafiiska UNOCHA Ee Soomaaliya.

Date:

Madaxweyne ku xigeenka Dawladd Goboleedka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa saaka subax nimadii 24, May, 2017, qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay madaxa xafiiska UNOCHA ee Soomaaliya Mr. Justin Brady oo uu wehelinayo madaxa xafiiska UNOCHA ee  Puntland Mr. Francis Lenoh.

Kusimaha Madaxweynaha iyo madaxda ka socotey hay’adda UNOCHA ayaa waxa ay kawada hadleen wadashaqayntii wanaagsanayd ee dhex martay Dawladd Goboleedka Puntland iyo hay’adda UNOCHA xiligi abaaraha baaxadale ay ka jireen Puntland.

Madaxweyne kuxigeenka Dawladd Goboleedka Puntland ayaa ku amaanay hay’adda UNOCHA doorkii wanaagsanaa ee ay ka qaateen gurmadka loo fidinaayey dadka Soomaaliyeed ee abaartu saamaysay xiliyadii adkaa ee abaartu ka jirtey degaanada Puntland, waxaana uu xaqiijiyey in hay’adda UNOCHA ay ka mid tahay hay’addaha ugu wax qabadka wanaagsan ee ka hawl gala Soomaaliya.

Dhinnaca kale kusimaha Madaxweynaha ayaa ku booriyey masuuliyiinta hay’adda UNOCHA inay sii dardar geliyaan shaqooyinka  baaxadale ee xafiiskoodu ku hawlan yahay, waxaana uu xusay in ay iminka taagan tahay samata bixinta dad badan oo ay wax yeelo u gaysteen roobabka lixaad kale ee ka da’ya degaanada Puntland kuwaas oo u baahan hu’, maalayn, xoolayn iyo gargaar bini aadantinimo iyo sidoo kale dadka xoolo dhaqatada ah ee kusoo hayaamay Puntland xiligii abaarta dib u celintooda.

Mr. Justin Brady madaxa xafiiska UNOCHA ee Soomaaliya ayaa dhankiisa ku dheeraday muhiimada ay u leedahay tageerida iyo gacan qabashada dadka dhibaataysan ee reer Puntland, isagoona xaqiijiyey inay markasta diyaar u yihiin ka qayb qaadashada xaalad kasta oo taagan,  waxaana uu ku amaanay dawladd Goboleedka Puntland iyo shacabkeeda shaqo wanaaga ay ku astaysan yihiin iyo caawinta midba midka kale ula heelan yahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...