Warbixin ku saabsan xaaladaha bini’aadanimo ee Soomaaliya

Date:

Qiyaasyo la sameeyay illaa 4-milyan oo caruur ah ayaa si degdeg ah ugu  baahnaan doona kaalmooyin bini’aadanimo oo loo fidiyo Soomaaliya,inkastoo howlo badan oo gurmad ah laga fuliyay gudaha dalka.

Hey’adda ayaa sheegtay in qiimeyn la sameeyay ay muujinayaan in xilligga Jiilaalka ee soo socda ay sii jirayaan ama ay sii kacsanaanayaan xaaladaha qatar ee xagga macluusha,taasoo keeneysa in ay isku darsamaan raashin la’an iyo halista cudurada faafa.

Tirada dadka u baahan kaalmooyinka bini’aadanimo ayaa noqonaya 6.7 million oo dalka ah ,halka 3.2 million ay ku jiraan halis ama ay joogaan goobo qatar ah.

Illaa 7-kun oo kiisaska cudurka jadeecada ah ay lagu waramy in lagu arkay gudaha dalka Soomaaliya tan iyo bilowgii sanadkaan,waxaana hey’adaha wadaaga la ah Unicef ay wadaan tallaal cudurkaasi ah oo sanadkaan laga tallaalayo 35-kun oo caruur ah

Dhinaca dadka ku barakacay aggaarka xarumaha magaaalooyinka ayaa la sheegay in dad gaaraya 30.kun oo barqakacayaal ah ay u baahan yihii in laga saacido adeegyada caafimaad sida fayo dhowrka iyo dhismaha musqulo si looga hortago halista cudurada,gaar ahaan xilligga roobabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir dowlaha amniga oo kulan la qaatay masuuliyiin ka tirsan hawlgalka QM ee UNTMIS

Wasiir dowlaha Wasaaradda amniga gudaha mudane Maxamed Cali Xagaa...

Shirweynaha Qaran ee maareynta hubka oo Muqdisho ka furmay

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta shir soconaya muddo labo...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxwaynaha Galmudug oo daah-furay ololaha diiwaan-gelinta codbixiyaasha doorashooyinka qof iyo codka ah

Madaxweynaha Dowladda goboleed Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa...