Wasiirka Maaliyadda oo Kormeeray Dekadda Magaalada Muqdisho

Date:

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa Maanta booqasho ku tagay Dekadda Magaalada Muqdisho, isagoona kormeeray hawsha ka socota dekadda.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa si qoto dheer ugu kuur galay qaabka shaqaalaha u shaqeynayaan iyo sida ay canshuuraha u qaadaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale la kulmay Shaqaalaha Dekadda wuxuuna kala hadlay arimo muhiima oo u badan in la tayeeyo hawsha ka socota Dekadda Magaalada Muqdisho, isagoona sheegay in dowladda xuquuqda Shaqaalaha ay joogteyn doonto, si gaarana loo qiimeyn doono dadka waqtiga dheeriga shaqeeya, wuxuuna ugu dambeyn ku dhiiri galiyay shaqaalaha in ay ku dulqaataan duruufaha dalka ka jira iyo Dakhliga dowlada oo yar.

Booqashada Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa imaaneysa xili uu dhawaan dekadda magaalada muqdisho uu booqday Ra’iisul waaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre isagoona sidaan oo kale ugu guul galay shaqada ka socota Dekadda Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...