Guddoomiyaha golaha shacabka iyo Wasiirka Destuurka oo wakiillada beesha caalamka Nairobi kula kulmay

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa magaalada Nairobi kula kulmay saaxiibada Beesha Caalamka ee dowladda Soomaaliya caawiya, waxaana kulanka ka soo qaybgalay guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo Ku-Xigeenkiisa labaad mudane Cabdalla Cawad.

 Wafdiga Wasiirka waxaa kamid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo qaar kamid ah lataliyayaasha Wasaaradda.

Mudane Cabdi Xoosh ayaa shir uu la yeeshay mas’uuliyiin kamid ah beesha caalamka oo ka kala socday wadamo iyo hay’ada Soomaaliya garabsiiya u sharxay qorshaha guud ee wasaaradda ay diyaarisay ee ku saabsan Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka oo socon doona labada sanno ee soo socota.

Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa aad u soo dhaweeyay qorshaha ay Wasaaradda diyaarisay waxa ayna bogaadiyeen hogaanka cusub ee Wasaaradda oo uu ugu sareeyo Wasiirka oo si ay xirfadi ku jirto ku dardargelinaya hawlaha Wasaaradda.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Jawaari oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in labada gole ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda ay ka dhaxeeyso wadashaqeyn wanaagsan kana go’antahay in Dastuurka la dhameeystiro.

Ugu dambeyn, Beesha Caalamka ayaa Wasaaradda ku amaantay kulamada wadatashiga ah ee maalmihii la soo dhaafay ay la yeelaneysay qaybaha kala duwan ee bulshada waxa ayna ballanqaadeen in Wasaaraddu ku garab istaagi doonaan sidii Geedi-socdoka dib u eegista Dastuurka ee labada sanno ee soo socota uu si guul ah ugu soo dhamaan lahaa.

—–DHAMAAD—–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted Her Excellency Sophie,...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar...

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Saciid Maxamuud Axmed 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...