Ruuxaani oo mar kale noqdey madaxweynaha Iiraan

Date:

Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani, ayaa ku guulaystay doorashada madaxtinnimo ee shalay ka dhacday dalkaasi, sida uu sheegay telefishinka qaranka waddankaasi.

Waxaa la tirayey ugu badnaan codadka la dhiibtay oo ahaa 40, Milyan, iyadoo Ruuxaani uu helay 56% codadkii la tiriyey, taas ayaana la sheegay in uu uga badbaaday wareeg kale.

Ibraahim Raisi oo ah ninka la tartamayay Ruuxaani ayaa sheegay in doorashada loo adeegsadey falal ka baxsan sharciga, sida uu u sheegay taageerayaashiisa mar uu la hadlayey.

Waqtiga codbixinta ayaa shalay muddo 5 saac ah lagu kordhiyay, kaddib markii ay adkaatay in la xakameeyo dadka isu soo baxay ee joogay goobaha cod bixinta.

Ruuxaani oo 68 jir ah, ayaa ballanqaaday in uu Iiraan ku hogaaminayo aragti dhexdhexaad ah, waxaana uu guushiisa ku xiray ka mira dhalinta heshiiska nukliyeerka ee uu dalkiisa la galay dalalka caalamka ugu awoodda badan.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo maanta la dhaariyay

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay golaha xukuumadii hore ee maamulkaas.

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal tacsi ah gaarsiiyey Amiirka Dalka Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Shir looga hadlayay Tayada iyo Horumarinta Biyaha sifeysan oo Xarunta Gobolka Banaadir lagu qabtay

Mas'uuliyiinta Sheybaarka Gobolka Banaadir Ayaa Kulanka Ku soo bandhigay...