23 kun oo arday oo maanta u fadhiisatay imtixaanka dusgiga sare

Date:

Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya ayaa sheegtay in 23-kun oo Arday ay maanta u fariisanayaan Imtixaanka mideysan ee dugsiyada sare ee ku yaala koofurta iyo bartamaha dalka.

Imtixaanka dugsiga Sare ayaa ka bilaanaya deegaanada maamulada Koofur Galbeed, Hirshabeelle, Jubbaland, Galmudug iyo gobolka Benaadi.

Illaa 77 goobood ayaa lagu qaadayaa Imtixaanka dugsiga sare ee shahaadiga, sida gobolka Banaadir iyo xarumaha maamul goboleedyada.

Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka iyo maamulada kale ee dalka ayaa lagu wadaa inay booqdaan goobaha lagu qaadayo Imtixaanka.

Ammaanka goobaha lagu qaadayo imtixaanka mideysan ee shahaadiga ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la geeyay ciidamka booliiska Soomaaliya.

Sanadkii 3 aad ee dowladda Soomaaliya ay qaadeyso Imtixaanka mideysan ee dugsiga sare, sanadkii 2015 ayay aheyd markii u horeysay ee dowladda qaado Imtixaan mideysan muddo 25-sanno kaddib.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo fariin culus ka jeedisay Shirka Shaqaalaha Adduunka ee Geneva

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yuusuf Maxamed...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona...

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha...

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka...