Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta kormeeray Dekedda Muqdisho

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyaan qaar kamid ah Golaha Wasiirada ayaa maanta booqday dekedda Magaalada Muqdisho. waxayna kulan looga hadlayey dar-dargelinta howlaha shaqo la qaateen maamulka dekedda.

Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa kala hadlay maamulka howlaha ka socda dekadda iyo sidii loo horumarin lahaa shaqada, waxuuna waydiiyay wax yaabaha loo baahan yahay ee ka dhiman dekedda Muqdisho. Isagoo la falan qeeyay geedi socodka shaqada iyo qorsha dhaw ee la rabo in wax looga badelo qaab dhismeedka dekedda,waxuuna bogaadiyey sida ay howluhu u soconayaan.

Dhanka kale, wuxuu maamulka Maaliyadda gaar ahaan qeybta Furdada Xamar kala sheekeystay sida loo maareeyo dakhliga ka soo xarooda dekadda iyo meelaha ay ku baxaan,isagoo madaxda ugu baaqay inay ka fogaadaan musuq-maasuqa oo uu sheegay Ra’iisul Wasaarahu inuu yahay cadowga koowaad ee dawladnimada.

“Waxaan idinka codsanayaa in aad soo sheegtaan qofkii aad ku aragtaan ama aad dareentaan isgoo samaynaya qorshe la xariira musuq-maasuqa in aad sheegtaan,waxaan idin balan qaadaynaa tallaabo sharci ah in aan ka qaadno”ayuu yiri R.W Xasan Cali kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku guda jiray kormeerkiisa boggaadiyey horumarka baaxadda leh ee ka socda dekedda, isagoo ka dalbaday maamulka iyo shaqaalaha inay sii wadaan howsha ay qaranka u hayaan.

DHAMAAD

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska Nabad Sugidda koonfur Galbeed oo soo bandhigay xubno katirsan khawaarijta

Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaabbilay Safiirka Suudaan

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax-Dhigay Isbitaalka Laga Dhisayo Degmada Garasbaaleey

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta...

Is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ka bilaabatay deegaanka Warane ee Xarardheere

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...