Wasiirka Warfaafinta oo 20 Saxafiyiin ah tababar u soo xiray

Date:

Tababarkaan oo ay bixinaysay wasaaradda warfaafinta ayaa loo qabtay in ku Dhow 20 saxafi oo ka kala yimid warbaahinta Qaranka tan madaxa banaan iyo Warbaahinta dowlad Gobolleedyada iyagoo la baray sida ugu haboon ee looga faa’iideysan karo soo saaridda wararka iyo barnaamijyo tayo leh.

Wariye Cabdiraxmaan Koronto oo ka mid ahaa macallimiintii bixinayay tababarka ayaa sheegay in wariyayaasha la baray sida ugu wanaagsan ee looga faa’iideysan karo shaqada ay u hayaan bulshada isla markaana looga faa’iideeyay barashada samaynta wararka iyo barnaamijyada tayada leh ee ka baxa idaacadaha iyo Talafeshinnada

Agaasimaha waaxda Shaqaalaha iyo tababarrada  wasaaradda warfaafinta Cabdiraxiin Ciise Caddow ayaa kula dar-daarmay  wariyayaasha in ay  bulshada Uga ka faa’iideeyaan wixii la baray Isla markaana ay gaarsiiyaan xaruhihii ay ka Yimaadeen.

Wasiirka warfaafinta iyo Hanuuninta Dad Weynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa ugu dambayn saxafiyiintaan u soo Xiray tababarkan la Xiriira tayaynta wararka iyo barnaamijyada ka baxa Warbaahinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo ka qeyb-galaya Shir Madaxeedka dalalka Islaamka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed...

 Dadaalka diblomaasiyadeed ayaa kor u kacay si loo xaqiijiyo xabbad-joojin.

Wafdi ka socda Xamaas ayaa Masar u yimid wax...

Baqdin ka taagan magaalada Suudaan ee go’doonsan

waxaan Khatarta duullaanka ayaa mugdi gelinaysa halganka nolol maalmeedka...