Dadka Kunool Degmada Ceel Barde Oo Codsaday Gurmad Deg Deg ah

Date:

Odayaasha  iyo waxgaradka ku dhaqan Degmada Ceel Barde ee Gobolka Bakool ayaa  ugu baaqay dawlada  Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha  Samafal  inay  Gurmad  Soo Gaarsiiyaan  Degmadaasi  xilli ay isa soo Tarayaan Saamaynta ka dhalatay   Roobabkii ka da’ay Gobolkaasi.

Cabdiraxmaan saalax oo ka mid ah Odayasha Degmada Ceel Barde ayaa sheegay in degmadu ay ka jiraan xaalado Adag oo dhanka nolosha ah Sida Caafimaadka iyo Biyaha.

“Roobabkaasi way de’een laakiin degmada Ceel Barde markaan fiirino hadda Ceelbiyoodyadii kala duwanaa malaha kumana filna inta ay hadda degmadu haysato xaga biyaha maxasiloona kumana filna, Cudurradii shubanka iyo jirooyin kale oo aan la aqoon ayaa dadka ku habsaday” Ayuu Yiri Cabdiraxmaan oo ka mid ah Odayaasha Degmada.

Roobabkii dhawaan ka da’ay degmada Ceelbarde ayaan biyo dhigin warihii biyaha lagu kaydin jiran si ay uga faa’iidaystaan  dadka iyo Duunyada oo la daala dhacaya Abaaraha dalka kajira taas ayaana keentay in dadkaasi ay Dowladda ka codsadaan Gurmad deg deg ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabi...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Saraakiil Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray dalka Yugaandha

Madaxweynaha dalka Yugaandha Mudane Yoweri Museveni ayaa tababar usoo...

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada (COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...