Aqalka dowladda Hoose ee Xamar oo lagu xusayo 15-ka May

Date:

Aqalka dowladda Hooe ee Xamar waxaa ka bilaabatay munaasabad ballaaran oo lagu xusayo 74-guuradii xuska  Maalinta dhallanyarada Qaranka iyo aas-aaskii ururkii gobonnimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.

Munaasabaddaan waxaa jooga dhallinyaro Soomaaaliyeed oo meelo kala duwan kaa timid, iyadoo lagu wado in ay goor dhow yimaadaan madaxda Qaranka oo uu ugu horreeyo madaxweynaa Jamhuuriyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaaahi Farmaaajo.

Fannaaniin Soomaaaliyeed ayaa ku soo bandhigeysa munaasbadda heeso ka hadlaya ahmiyadda dalka u leeyihiin Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo gobonnimadii dalka xorriyadda uu ku gaaray doorkii ay ku laahaayeen.

Taariikhda ururkii dhallinyarada SYL, ayaa lagu soo bandhigayaa, waxaana joogta dhallinyaro Soomaaliyeed oo sheegay in ay diyaar u yihiin ku shaqeynta mirhii ay dhigeen dhallinyaradii SYL ee dalka Soomaaliya u horseedey gobonnimadii aan gaarnay 1960-kii.

Ha noolaato Soomaaliya Hal ku dhiggii shalay

Nabad iyo Nolol. Hal ku dhigga maanta

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka heshay dalka Algeria

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa ku...