Guddoomiye Jawaari oo daah furay shir looga hadlayo hanaanka dib u eegista Dastuurka Dalka

Date:

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa daah furay shir looga hadlayo hanaanka dib u eegista dastuurka.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya ayna ka qeyb galeen Wasiirada Dastuurka ee Maamul goboleedyada dalka ayaa socon doono muddo saddex cisho ah, kaasi oo looga hadli doono hanaanka dib u eegista qabyo qoraalka dastuurka ee dalka, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya,  Wasiirka Dastuurka, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo kulanka lagu casuumay.

Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya Avv.Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka go’antahay in muddo labo sano ah lagu soo gabo gabeyn doono hanaqaadka dib u eegista dastuurka dalka, ayna la wadaagi doonaan bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid (Juxa) ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka qaadan doonto doorka uga aadan hanaanka dib loogu eegayo dastuurka dalka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo daah furay shirkan loo qabtay Wasiirada Dastuurka ee dowlad goboleedyada ayaa sheegay in shirkan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay bulshada, maadaama looga hadlayo geedi socodka dib u eegista dastuurka.

Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maalmahan waday kulamo wadatashiyo ah oo lala qaadanayo qeybaha bulshada, si looga talo geliyo hanaanka loo marayo dib u eegista qabyo qoraalka Dastuurka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen oo ka warbixiyey xaallada ay ku sugan yihiin Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Yemen

Safiirka Soomaaliya ee dalka Yemen, Danjire Cabdixakiin Xaaji Maxamed...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi ku soo xiray shir looga hadlayay bixinta digniinaha halista musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado sharaf ah ku maamusay Madaxdii hore ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo billad sharaf Qaran guddoonsiiyey dhiggiisa dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...