Ra’iisul Wasaare Kheyre oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay shirka Qatar

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo dalka Qatar uga qeyb galay shirweynaha Caalamiga ah ee looga hadlayo iskaashiga dhinacyada xasilinta dhaqaalaha iyo siyaasadda ayaa ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud dalka, gaar ahaan daruufaha jira, horumarka dalka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in caalamka uu u soo jeesto sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarinta amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha Qaxootiga.

“Adduunka intiisa badan waxaa heysto daruufo badan, balse Soomaaliya si gaar ah waxaan ka codsaneynaa adduunka inaysan indhahooda ka qaadin Soomaaliya, taasi oo daruufo badan soo daashaday oo ay hadda tahay fursad dhab ah oo garab lagu siin karo, inaga kan dowlad ahaan waxaa naga go’an inaan sameyno isbadal dhab ah, oo aan wadanka uga saarno daruufaha heysato” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkiisa ku daray “Inagu waxaan diyaar u nahay wada shaqeyntiina, waxaana u baahanahay taageeridiina, si loogu guuleysto isbadal mira dhal ah.

Ra’iisul Wasaaraha oo inta badan khudbadiisa diiradda ku saaray arrimaha Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool caalamka ayaa sheegay in caalamka looga fadhiyo inay ilgaar ah ku fiiriyaan daruufaha heysato qaxootiga Soomaaliyeed oo ah kuwa badan caalamka

“Qaxootiga Soomaalida waxaa heysato daruufo adag oo ay qabaan intooda badan, waxaana lagama maar maan ah in caalamku ay ilgaar ah ku eegaan, dowladda cusub ee hadda jirta waxaa ka go’an inay soo dhaweyso qaxootiga Soomaaliyeed e dib ugu soo laabanyaa dalkooda Hooyo iyo ka daryeelka dadka kus oo barakacay gudaha dalka ee ay saameeyeen abaaraha, si aan taasi uga mira dhalino waxaan caalamka uga baahanay inay gacan nagu siiyaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Dalka waxa uu kulan la qaatay dhigiisa dalka Lubnaan Sacad Rafiiq Al-xariiri oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dhinac iyo iskaashi dhex mara labada dowladood.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...