Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiir ku-xigeenka Turkiga ee Soomaaliya

Date:

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiir ku-xigeenka safaarada Turkiga ee Soomaaliya Cali kan Aksooy, iyaga oo ka wada hadlay mashaariicda horumarineed ee ay dowladda Turkiga ka fulisay dalka iyo kuwa iminka ay qorsheynayaan inay fuliyaan, iyadoo kulankaasi uu goob joog ka ahaa siihaya Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaalla.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa la isku soo qaaday sida labada dal ay isaga kaashan karaan horumarka kaabayaasha dhaqaalaha, waxka qabashada abaaraha ka taagan Soomaaliya iyo tayeynta Waaxda Warbaahinta Qaranka.

Safiir ku-xigeenka safaarada Turkiga ee Soomaaliya Cali kan Aksooy oo kulanka kadib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay booqashada uu ku yimid Wasaaradda Warfaafinta iyo la kulanka Mas’uuliyiinta Wasaaradda, isagoo intaa ku daray in dhamaadka bisha June ay tabbabar u soo xiri doonaan dufcaddii ugu horeysay oo hal bataliyan ah oo ay Soomaaliya u tababareen.

Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweyne ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiaxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay Turkiga doorka  doorkooda ku aadan horumarinta Soomaaliya, isagoo sharaxaad ka bixiyay waxyaabihii loo balan qaaday.

Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, iyagoo oo gacan ka geystay ka qeyb qaadashada gurmad abaaraha iyo horumarinta dhinacyo ay ka midyihiin kaabayaasha dhaqaalaah iyo dib u dhiska dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka Baarlamaanka oo sheegay in kalfadhiga 7-aad furmi doono 20-ka bishan

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kulan la qaatay Madaxa EUCAP ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Muqdisho oo laga furay aqoon is waydaarsi ku saabsan horumarinta adeegyada Dowladda

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xirsi Gaani...

Ceeldheer ciidanka xoogga oo weli ururinaya maydadka khawaarijtii lagu laayey dagaalkii shalay

Ceeldheer Ciidamada Xoogga Dalka ayaa daafaha magaalada Ceeldheer ee...