Kulan looga hadlayey xoojinta amniga Gobolka Banaadir oo Muqdisho lagu qabtay

Date:

Kulankan oo ka dhacay Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar ayaa ujeedkiisuย  waxa uu ahaay sidii laamaha Amiga Qaranka iyo Ciidanka AMISOMย ay u xoojin lahaayeen Amniga Caasimada.

Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Sareye Gaas Axmed Jimcaale Geedi, Taliyaha Ciidanka Nabad ilaalinta AMISOMย iyo Taliya Qeybta Guud Gobalka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaaย  Waxaa shir gudoominaaye Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed.

Inta uu kulanka socdayย  ayaa Duqa Magaalada Muqdisho waxuuย  saraakisha uu la kulmay kala hadlay in ay laba laaban Sugida amniga iyo in ay garab siiyan Gudiga golaha Amniga Gobalka Banaadir oo dhawaan la magacaabay si loo sugo Xasiloonida Magaalada Muqdisho maadama ay fooda nagu soo heyso Bisha Barakeysan ee Ramadaanka.

Taliyaha Ciidanka Nabad ilaalinta Amissom ee Soomaaliya Cismaan Nuur Subagle oo kulanka kadib lahadlay Tvga Qaranka waxa uu sheegay in amissom ay u taagan tahay Xasiloonida Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed ayaa dhankiisa tilmaamay in saraakisha uu la kulmay ay isku afgarteen sidii gacan adag looga geysan lahaay Amniga Gobalka Banaadir.

Duqa Magaalada Muqdishoย  ayaa dhawaan magacaabay Gudiga golaha Amniga Gobalka Banaadir oo ay ku mideysan yihiin Ciidamada Qalabka sida kuwaas oo door ka qaadan Xoojinta Xasiloonida Caasimada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyey Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Buur-Hakaba oo laga hirgeliyay garoon diyaaradeed

Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay, waxaa maanta cagadhigatey Diyaaradaha...

Wasaaradda gaashaandhigga oo soo dhoweysay saraakiil ka socota Ingiriiska

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda gaashaandhigga mudane Cabdifataax Cabdulqaadir...