Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo shir Maanta kaga qeyb galaya Magaalada Dooxa

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar ayaa lagu waddaa maanta in uu halkaasi kaga qeyb galo Shir Caalami oo ay ka qeyb galayaan Madax ka socota Qaaradda Afrika iyo sidoo kale Bariga Dhexe.

Madaxda Shirkaasi ka qeyb galaysa ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha dowladda Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir.

Mudane Kheyre ayaa sheegay in Shirka Doha Forum oo lagu casuumo madax ka socota dalal kala duwan iyo Hay,ado caalami ah ay Soomaaliya sanadkaan ka qeyb galayso , islamarkaana kulamo kala duwan ay la qaadan doonaan Madaxda Shirkaasi ka qeyb galaysa.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dhinaca kale lagu wadaa in kulankaasi kadib uu kulamo la qaato madaxda dowladda Qadar islamarkaana uu kala hadli doono arrimo ayy kamid yihiin sidii loo garab istaagi lahaa dowladda Soomaaliya, iyada oo laga taageerayo dhinacyada Dhaqaalaha, Amaanka iyo wax u qabashada dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...

UNHCR oo walaac ka muujisay sharciga magangalyo-doonka Giriigga

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii...