AUN wariye MM Macalim oo maanta geeriyooday

Date:

Allaha u naxariistee waxaa maanta isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday wariye Maxamed Maxamuud Macalim ( MM Macalim) oo kamid ahaa shaqaalaha wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Wariye MM Macalim ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho hase ahaatee dhowaan ayaa loo qaaday dalka Kenya si halkaas loogu soo daweeyo, isagoona maanta ku geeriyooday isbitaalkii lagu dabiibeyay.

Allaha u naxariistee, wariye MM Macalim ayaa kamid ahaa rug cadaayaasha saxaafadeed ee  fara ku tiriska ah oo ka haray  wariyeyaashii hore ee Radio Muqidsho oo sanadahan dambe ka howlgalayay warbaahinta dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay madax iyo siyaasiin heer qaran ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo Guddi Xildhibaano ah magacaabay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...