Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay wasiirka socdaalka, qaxootiga iyo jinsiyadaha Canada

Date:

Madaxweynaha J. F. Somalia Mudane Mohamed Abdullahi “Farmajo” ayaa magaalada London kula kulmay Wasiirka Socdaalka, Qaxootiga iyo jinsiyadaha dalka Canada xildhibaan Ahmed Hussein oo  ah muwaadin Soomaali-Canadian ah islamarkaana ka qeybgalay shirka looga hadlayay arrimaha Soomaaliya ee lagu soo gebagebeeyey xarunta Lancaster house.

Madaxweynaha iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, dardar gelinta iyo kordhinta taageerada Dowladda Canada siiso Soomaaliya.

Madaxweyne Farmajo ayaa aad ugu amaanay wasiirka socdaalka Canada heerka uu ka gaaray siyaasadda Canada islamarkaana ay muujineyso dedaal dheeraad ah, waxa uuna uga mahadceliyey dowladda Canada taageerada joogtada ah oo ay la garab taagantahay shacbiga Soomaaliyeed.

Wasiirka socdaalka qaxootiga iyo jinsiyadaha Canada mudane Ahmed Hussein ayaa ballanqaaday inay dowladda Canada sii joogteyn doonto taageerada dhaqaale iyo mashaariicda horumarineed ee ay ku caawineyso shacabka Soomaaliyeed,  isagoo farta ku fiiqay in xukuumadda Canada ay malaayiin doollar ku bixisay gurmadka abaaraha iyadoo laga jawaabayo baahida iyo dhibaatooyinka abaaraha iyo macluusha saameysay malaayiin qof oo ku sugan geeska Afrika si dadkaas u helaan cunno iyo biyo nadiif ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hal-abuurka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa...

Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...