Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay wasiirka socdaalka, qaxootiga iyo jinsiyadaha Canada

Date:

Madaxweynaha J. F. Somalia Mudane Mohamed Abdullahi “Farmajo” ayaa magaalada London kula kulmay Wasiirka Socdaalka, Qaxootiga iyo jinsiyadaha dalka Canada xildhibaan Ahmed Hussein oo  ah muwaadin Soomaali-Canadian ah islamarkaana ka qeybgalay shirka looga hadlayay arrimaha Soomaaliya ee lagu soo gebagebeeyey xarunta Lancaster house.

Madaxweynaha iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, dardar gelinta iyo kordhinta taageerada Dowladda Canada siiso Soomaaliya.

Madaxweyne Farmajo ayaa aad ugu amaanay wasiirka socdaalka Canada heerka uu ka gaaray siyaasadda Canada islamarkaana ay muujineyso dedaal dheeraad ah, waxa uuna uga mahadceliyey dowladda Canada taageerada joogtada ah oo ay la garab taagantahay shacbiga Soomaaliyeed.

Wasiirka socdaalka qaxootiga iyo jinsiyadaha Canada mudane Ahmed Hussein ayaa ballanqaaday inay dowladda Canada sii joogteyn doonto taageerada dhaqaale iyo mashaariicda horumarineed ee ay ku caawineyso shacabka Soomaaliyeed,  isagoo farta ku fiiqay in xukuumadda Canada ay malaayiin doollar ku bixisay gurmadka abaaraha iyadoo laga jawaabayo baahida iyo dhibaatooyinka abaaraha iyo macluusha saameysay malaayiin qof oo ku sugan geeska Afrika si dadkaas u helaan cunno iyo biyo nadiif ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...

Wasaaradda ganacsiga oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...