Shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ka furmaya London

Date:

Shirka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmaya magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska, iyadoo ay ka qeyb galayaan ku dhawaad 50 dowladood iyo ururo caalami ah.

Kulanka waxaa shir guddoomin doono Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxmaed Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Britain Theresa May iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutters.

Shirkan ayaa diirada lagu saarayaa illaa afar ajande oo ay ku hoos-jiraan qodobo kala duwan, waxaa ka mid ah Ammaanka, Siyaasada, Dhaqaalaha, arrimaha bani’aadanimada iyo kuwa kale.

Wafuudda heerka caalami ee shirka ka qeyb galayesa waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaaraha Turkiga, Madaxweynaha Kenya, Madaxweynaha Uganda, Ra’iisul Wasaaraha Ehtiopia iyo wakiilo ka socda dowladaha taageera Soomaaliya.

Gebo gabada shirka ayaa lagu wadaa in laga soo saaro go’aano wax ku ool ah oo ku saabsan sidii dowladda Soomaaliya looga caawin lahaa dhinacyada Amniga, dhaqaalaha iyo Siyaasadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...