Madaxweyne Erdogan “ma aqbaleyno in Isra’il ay mamnuucdo aadaanka Salaada”

Date:

Warbixin uu qoray Waregeyska The Guardian ayaa  sheegeysa in mar kale ay soo laabatay xiisada u dhaxeysa Turkiga iyo Isra’iil, kadib markii Madaxweynaha Turkiga Racep Dayip Erdogan uu ku eedeeyay Israa’iil in Falastiiniyiinta ay kula dhaqmeyso “cunsuriyad iyo midibtakoor”

Is’raaiil ayaa dhankeeda ku eedeysay Turkiga inay ku xadgudubtay xuquuqda aadanaha, iyada oo sidoo kale u yeertay Safiirkeeda  u fadhiya Dalkaasi.

Erdogan  isaga oo ka hadlayay Magaalada Istanbul waxa uu yiri “go’doominta magaalada Gaza wax xiriir ah lama laha bini’aadanimada

Madaxweynaha ayaa ku booriyay Muslimiinta in ay booqdaan Masjidul Aqsaa ee Magaalada Qudus, iyaga oo muujinaya taageerada ay u hayaan Falastiiniyiinta, waxa uuna ku baaqay dhismaha Dowlad ay leedahay Falastiin oo Caasimadeedu ay tahay Qudus.

Wareyska ayaa sheegay in Madaxweynaha Turkiga uu cambaareeyay mashruuca horyaalla Barlamanka Israa’iil ee Aadaanka looga mamnuucayo Israa’iil iyo Magaalada Qudus.

“haddii aad rumeysan tihiin Diintiina, maxaad oga baqeysaan aadaanka? Ma aqbaleyno in aadaanka laga mamnuuco Qudus” ayuu yiri.

Madaxweynaha Israa’’iil Reuven Rivlin oo ka jawaabay hadalka Turkiga ayaa yiri “waxaan maqalnay codad Weerar ku ah dhismaha nolosha Israa’iil ee Qudus, waxaan leeyahay Dadkaasi tan iyo sanadkii 1850 ayey Yahuuda ahayd shacuubta ee Qudus xitaa xiligii boqortooyada Turkiga ee Cusmaaniyiinta”

 

Xiisada diblumaasiyadeed ee cusub ayaa imaaneysa xilli labada quwadood ay mudadii dambe isku dhaafsanayeen Shirar golaha ammaanka Golaha ammaanka eedo la xiriira xudubyada ka dhanka ah bini’aadanka.

 

Labada Dowladood ee Israa’iil iyo Turkiga ayaa horay oga heshiiyay khilaaf ka dhashay Weerar Ciidamada Israa’iil ay ku dileen 9 Turki ah oo la socday Markab gargaar u siday Magaalada Gaza.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...