Dawladdu marna ma aqbali doonto Isbaarooyin Sharci darro ah

Date:

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin lagu soo afjarayo Isbaarooyinka sida sharci darrada ah u yaalla wadooyinka muhiimka u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka, gaar ahaan gobolka Shabellaha Hoose oo laga qaaday dhowr Isbaaro oo u taaley dad adeegsanaya magacyada Ciidanka, kadib, amarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ee ku aadanaa la dagaalanka Isbaarooyinka Sharci darrada ah.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. C/laahi Cali Caanood, ayaa sheegay in la qaaday isbaarooyinkii yaaley wadada dheer ee isku xirta Magaalooyinka Afgooye, Bariire, No 50 iyo deegaano dhowr ah oo ku xeeran, isla markaana la xiray askartii isbaaradu u taaley, xilkiina laga qaaday Saaraakiishii xukuntay askarta isbaarada dhigatay.

“kadib, amarkii uu bixiyey Madaxweynaha J.F.S Mudane M. C/laahi Farmaajo ee ahaa in la qaado isbaarooyinka, waxaan xirnay 11 askeri oo la qabtay iyagoo isbaaro u taalo. Waxaan cadaynayaa askariga Isbaarada dhigta iyo sarkaalka xukuma in isku mid ay yihiin”. Ayuu yiri Gen. Caanood.

“Waxaa qaadeynaa howlgallo ballaaran oo lagu furayo wadooyinka, gaar ahaan kuwa yaala deegaanada isku xira Shabellaha Hoose iyo gobolka Bay, sidoo kale waxaa howlgal isna wadooyinka lagu furayo laga sameynayaa deegaanada Jubbooyinka.” Ayuu raaciyey.

Ugu danbeyn, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen C/laahi Cali Caanood ayaa tilmaamay in ay xoojinayaan weerarada lagu bartilmaameed-sanayo maleyshiyaadka sharci darada ah ee dhiganaya Isbaarada, gaar ahaan kuwa yaalla meelaha ka fog magaalooyinka.

–DHAMMAAD–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo galay maalintiisii labaad

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo sanadkan...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kalfadhiga 76-aad ee UNHCR

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...