Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha oo kaalmo gaarsiiyay qoysas ku nool deegaanno hoostaga Gobolka Shabeelaha Dhexe

Date:

Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye, oo ay ka mid yihiin Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Mudane Cabdullaahi Maxamuud, ahna xubin ka tirsan guddiga Qaran ee gurmadka Abaaraha iyo xubno kale ayaa maanta kormeer howleed waxa ay ku tegeen deegaanno ay ka midyihiin Jameeco Misri, Kulmis yareey, Maqdis iyo Xawaadleey oo 7km u jirta magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wafdiga ayaa markii ay halkaasi gaareen waxaa ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo mas’uuliyiinn kale, waxaana ay wafdiga u kuurgalayeen xaaladaha ay ku suganyihiin shacabka ku nool tuulooyinka ay socdaalka ku tegeen, iyagoo halkaasi gaarsiiyey deeq raashin ah oo Guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha ugu talagalay bulshada deegaannadasi ku nool.

Qoysaska ku nool deegaannada ay maanta kormeerka ku tegeen Wafdiga ka socday Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ahaa kuwa ay saameyeen abaarta ka jirta Gobollada Dalka iyo dagaal beeleedyo, waxaana shacabka deegaannadaasi ay ka mahadceliyeen kaalmada la soo gaarsiiyay.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin kaalmada la soo gaarsiiyay qoysaska ku dhibaateysan tuulooyinka ay maanta wafdiga kormeerka ku tegeen, isagoo xusay in kan maamul ahaan ay ku guuleysteen xalinta beelaha ku dagaalamay deegaannada gobolka Shabeelaha Dhexe.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamuud ayaa sheegay in ujeeddada socdaalka ay tahay u kuurgelidda xaaladaha qoysaska ku nool deegaanada hoostaga Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa tilmaamay in door muuqda ay Wasaaraddu ka qaadan doonto sidii dib u heshiisiin loo dhex dhigi lahaa walaaha halkaasi ku dagaalamay.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa sheegay in ay joogteyn doonaan sidii gurmad loogu fidin lahaa qoysaska ay abaartu saameynta ku yeelatay.

Wariyaha Wakaaladda SONNA Cabduqaadir Maxamed Cadde oo qeyb ka ahaa wafdiga maanta socdaalka ku tegay tuulooyinka hoostaga gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku soo waramay in socdaalkooda uu ku soo idlaaday guul.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo shir deg deg ah ka yeeshay amniga Doorashada

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano),...