Ra’iisul waasaraha oo booqday mid kamid ah maraakiibta howlgalka Atlanta

Date:

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kulan saacado qaatay kula yeeshay , danjiraha midowga Yurub ee Soomaaliya, taliyaha howlgalka ATLANTA ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya markab dagaal oo ay leedahay dowladda Spain isla markaana qeyb ka ah howlgalka ATLANTA, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka wada shaqeyn iyo iskaashi oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo midowga Yurub.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo oo saxaafada kula hadashay gudaha markab howlgalka ATLANTA ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in ay Soomaaliya ka gacan siiyaan dib u soo celinta hey’adaha dowliga ah.

“Waxaan ka wada hadlney weeraradii u dambeeyay iyo sida aan ugu walacsan nahay falalka burcad badeeda, sida ugu wanaagsan oo aan dowladda Soomaaliya ugu caawin karno wax ka qabashada arintaas, anaga muddo dheer ma sii awoodi doono in aan ilaalino xeebaha Soomaaliya, waxaana ka shaqeynaynaa sidii loo heli lahaa in Soomaaliya ay ayadu awoodo in ay ilaashato amnigeed,” ayay tiri  MS. Lorenzo.

MAJ. Janaral Robert Magawan oo ah taliyaha howlgalka ATLANTA ee xeebaha dalka ayaa sheegay in shaqo wanaagsan ka qabteen biyaha Soomaaliya mudadii ay ka howlgalayeen isla markaana ay ka hortageen falal badan oo kooxaha burcad badeeda ah ay ka geysteen biyaha dalka, isagoo sidoo kale tilmaamay in bilihii u dambeeyay weerarada ka dhacay xeebaha dalka ay muujineyso sida burcad badeeda isugu dayayaan in ay mar kale dib u soo laabtaan.

Mudane Xasan Cali Kheyre, ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa midowga Yurub ugu mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, isagoona sheegay in midowga Yurub ay ka codsadeen xoojinta iyo dar dargelinta howlaha loogu hortagayo kaluumeyiga sharci darada ah ee ka dhacay biyaha Soomaaliya.

“ Waxaan ka wada hadalney sidii shaqooyinka ay wada qabtaan midowga Yurub iyo Soomaaliya ay noqon lahaayeen kuwo muuqda loona xoojin lahaa, sidii aan ugu wada shaqeyn laheyn in burcad badeeda anaga aan isaga difaaci laheyn tababar iyo qalabna loo siin lahaa ciidanka waana ku heshiiney sidii aan ugu wada shaqeyn laheyn,” ayuu sheegay ra’iisul was are Kheyre.

Dowladaha ku bahoobey ururka midowga Yurub ayaa Soomaaliya ka caawiya arimaha badan oo ay kamid tahay amniga iyo mashaariic horumarineed oo qeybo kamid ah dalka ay ka fuliyaan, iyadoo maraakiib dagaal oo dalalkaas ay leeyihiin ay ku sugan yihiin biyaha Soomaaliya kuwaas oo la dagaalama kooxaha burcad badeedka Soomaalida ah.

     

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda XFS oo kulan la qaatay wasiirka qoyska iyo adeegyada bulshadda ee dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Prof....

Dowladda koonfurta Sudan oo si adag u taageertay ilaalinta midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...