Wasiir Cabdi Xoosh “Waxaan hubin doonnaa in dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay xuquuq lamid ah mida muwaadinka caadiga ah ay ku leeyihiin Dastuurka”

Date:

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa shir wadatashi ah la yeelatay ururada dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo ku saabsanaa sidii loo dhageeysan lahaa taladooda ku qotonta dhameeystirka Dastuurka.

Wasiirka Wasaaradda oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in Wasaaraddu ku dhiiragelinayso dadka naafada ah in ay ka qaybgalaan Ololaha Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka.

“Waxaa tihiin muwaadiniin xaq u leh waxa muwaadiniinta kale xaq u leeyihiin, waxa aan hubin doonnaa in Dastuurka uu noqdo mid idiin daryeela islamarkaana xuquuqihiina tilmaama” ayuu yiri Wasiir Cabdi Xoosh.

Dhanka kale, ka soo qaybgalayaasha ayaa Wasaaradda ugu mahadceliyay sida ay ugu dhiiratay in ay kulankan la qaataan oo ay taladooda dhageystaan, waxa ayna ku dhiirageliyeen Wasiirka iyo dhamaan shaqaalaha Wasaaradda in ay qareen u noqdaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Kadib markuu iclaamiyaya Wasiir Avv Cabdi Xoosh Olole loogu magacdaray Sheeko Qarameed ayeey Wasaaradda bilawday qabashada kulama wadatashi ah oo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada la la sameeynayo.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ballan qaaday in dhamaan Maamul Goboleedyada dalka la gaarsiin doono kulamadan wadatashiga ah si dadka ay ugu dhiiradaan in taladooda ay uga qaybqaatan ololaha hanaanka dib u eegista Dastuurka oo Wasaaraddu ay ka go’antahay in uu noqdo mid daah-furan.

—–DHAMAAD—–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...