Kulan loogu duceynayey Allaha u naxariistee wasiirkii Howlaha Guud oo lagu qabtay gobolka Columbus

Date:

Qaar ka mid ah dhalinyarada iyo waxgaradka Jaaliyadda Columbus ayaa ka tacsiyeeyay geeridii Wasiir Cabaas Siraaji isla markaana fariin u diray dhalinyarada iyo dowladda Soomaaliyeed.

Waxay dhalinyarada ugu baaqeen in ay ku xisaabtamaan in dalka uu yahay dalkoodii isla markaana xaalado adag uu ka soo baxay oo isbadal la soo gaaray iyada oo lagu dhiiro galiyay in aysan ku niyad jabin dhimashada Cabaas oo ka mid noqonaya malayiin Soomaali ah oo dalka ku geeriyootay mudadii ay jirtay xaalada ka dhalatay dowlad la’aantii soo martay Soomaaliya.
“Mar hadii wadan inka badan 20 sano dagaalo ku soo jiray uu ka soo kabanayo xaaladihii murugsanaa walina aysan xaalada Nabadgalyadu ahayn 100/100 waxa marwalba la filan karaa in ay dhacaan dhacdooyin na xanuujin kara isla markaana damqi kara Maskaxdeena, waxaase muhiim ah in aan dib u milicsano halkii aan ka nimi oo maalin walba boqolaal Dhalinyaraa aya dhimanayeen manta waxaan ku jirnaa Marxalad aan Rajo fiican qabno ee yaan dib loo noqon” sidaa waxa yiri mid ka mid ah dhalinyaradii kulankan baroordiiqdaa ka hadlay.
Dowlada Soomaaliya ayay dhalinyaradii iyo waxgaradkii meesha ka hadlay ugu baaqeen in ay guntiga dhiisha isaga dhigto sidii loo sugu lahaa amanka magaalada Caasimadaa ee Muqdisho si loo yareeyo halista ka imaan karta dadka hubaysan, iyo in lagu dadaalo in ilaalo sharciyaysan loo sameeyo dadka adaxdaa ee wasiiradu ay ka midyihiin.
Dhalinyaradii ka soo qeybgashay kulankan Tacsidaa waxa ay intooda badan mudooyinkii la soo dhaafay ku mashquulsanaayeen ka qeyb qaadashada caawinta dadkii ay abaaruhu wax yeeleeyeen, waxayna rajo wanaagsan iyo hami sare ka leeyihiin dalkooda in ay dib ugu laabtaan Haddana dhacdadan waa ay xanuujisay.
Ugu danbayn shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda ayay ka codsadeen in ay gacmaha is qabsadaan si loo gaaro halka loo socdo oo ah dal iyo dad Nabad ku naalooda.
 
Deeqo SONNA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...