Xukuumadda oo soo dhaweysay natiijada Doorashadii madaxweynaha Galmudug

Date:

War-martiyeedka kusaabsan doorashada madaxweynaha Galmudug

Muqdisho, May 6, 2017——-Maalinitii Talaadada ee Taariikhdu ahayd May 2, 2017 ayaa wafti uu hogaaminayo wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiinta Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo ka koobnaa wasiirro, xubno ka socda labada aqal ee Baarlamaanka Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ku tageen caasimadda ku meelgaarka ah ee Dawlad Goboleedka Gal-Mudug si ay Korjoogayaal iyo markhaanti uga noqdaan doorashada ka dhacaysa Cadaado maalinimada Arbacadii ee 3-dii, 05,2017.

3-dii Bisha ayaa doorasho 3 Musharax ku Tartameen ka dhacday Caasimada ku meel gaarka ah ee maamul Goboleedka Gal-mudug ee Cadaado. Doorashadaas waxaa ku guulaystay musharax Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), Haddaba:

1.Waxay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya soo dhowaynaysaa natiijada kasoo baxday Doorashadaas oo ay u aragto inay u dhacday si xor iyo xalaal ah.


2.
Waxay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqaysaa hoggaanka cusub ee Gal-Mudug inay si deg-deg ah dib ugu bilaabaan wadahadaladii u socday Ahlu-Sunna iyo Gal-Mudug, si Xal kama dambays ah looga gaaro Khilaafka labada Dhinac.


3.
Waxay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya diyaar u tahay waxkasta oo ay ka gaysan karto in Xal waara laga gaaro Nabadda iyo Midnimada Deegaanka Gal-Mudug, si Shacabka reer Gal-Mudug u helaan nabad iyo xasilooni waarta.


4.
Waxay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqaysaa beesha caalamka iyo cid kasta oo kale oo arintaan danaynaysa in ay gacan buuxda ka gaystaan si loo fududeeyo wadahadalada labada dhinac.


5.
Waxay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Shacabwaynaha reer Gal-Mudug iyo Hogaankooda cusubba ugu baaqaysaa inay si wadajir ah uga wada Shaqeeyaan nabadda, midnimada iyo xasiloonida deegaanada Gal-Mudug.

DHAMMAAD__

Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka
Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha
[email protected]
Twitter: @SomaliPM

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...