Madaxweynaha Hirshabeelle oo u hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay Ee Galmudug

Date:

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee  Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Maanta Lagu doortay  Magaalada Cadaado ee xarunta KMG u ah  maamulka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa sheegay doorashada ka dhacday Magaalada Cadaado in ay tahay mid taariikhi ah oo horumar u ah reer Galmudug,waxaana uu xusay in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo helida Xasilooni siyaasadeed, waxaana uu u rajeeyay Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf in ilaah u fududeeyo xilka culus ee loo doortay.

“Doorashadda dhacday maanta ee lagu doortay Madaxweynaha, waxay caddeyn u tahay sida Soomaaliya u dhaqaaqday iyo horumarka la gaaray iyo sidoo kale sida shacabka Soomaaliyeed ugu bisil-yihiin ka qeyb-galka dowladnimada, Waxaan Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf u rajeynayaa in uu Alle la garab galo gudashada waajibka loo igmaday” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha  Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay baarlamanka Dowlad Goboleedka Galmudug sida wanaagsan ee ay ugu guuleysteen qabashada doorashada madaxtinimada ee Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ugu baaqay guud ahaan maamulka Galmudug gaar ahaan Madaxweynaha la doortay in uu u guntado sidii loogu guuleysan lahaa wadahadalada  Ahlusuna Waljamaaca  si xal siyaasadeed looga gaaro maamulka Galmugna uu u noqdo mid guud ahaan Deegaanka Galmudug gaarsiiya adeegyada iyo maamulka dowliga ah.

Ugu dambentii  Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Goboleedka Hirshabeelle si buuxda ula shaqeyn doonta maamulka Galmudug horeyna wada shaqeyn ay u lahaayeen isaga oo ku booriyey dhammaan shacabka Hirshabelle iyo maamul gobolleedyadda dalka ka jira inay la shaqeeyaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka...

Agaasimaha Haya’adda Socdaal JFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Socdaalka Norway

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya...

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha...

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...