Ra’iisul wasaare Kheyre oo Muqdisho uga qeyb galay munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Aduunka

Date:

Munaasabadda lagu xusayey maalinta shaqaalaha Aduunka oo lagu qabtay Muqdisho waxaa ka qeyb galay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre, wasiirka iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada, agaasimeyaasha wasaaradda xubno ka kala socday ururada madaxa banaan ee shaqaalaha iyo masuuliyiinta gudiga qaranka ee shaqaalaha Rayidka dowladda.

Agaasimaha wasaaradda shaqada iyo arimaha Bulshada Maxamed Cadde Muuse iyo xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda mudane Xasan Shariif ayaa bilowga munaasabadda sheegay in ahmiyadda maalintan iyaga oo kahadlay qorshaha wasaaradda ee shaqaalaha Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha guddiga Qaranka ee shaqaalaha Rayidka mudane Xasan Abshirow ayaa raiisul wasaaraha iyo madaxda kale ee ka qeyb galay munaasabadda u sharaxay qorshaha guddiga ee ku wajahan shaqaalaha dowladda oo uu sheegay in ay ku shaqeeyaan duruufo adag.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arimaha Bulshada Soomaaliya Xildhibaan C/casiis Saalax “Armaan” ayaa tilmaamay in wasaaraddu ay ku howlantahay sidii dhalinyarada Soomaaliyeed shaqo abuur loogu sameyn lahaa si looga badbaadiyo falalka Tahriibku uu kamidka yahay.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa hambalyo kadib sheegay in shaqooyin ay qaban karaan dadka Soomaaliyeed aanu ka shqeyn doonin qof ajnabi ah.

“Shaqo uu qaban karo qof Soomaaliyeed uma ogolaan doono qof ajnabi ah”ayuu yiri wasiirku.

Ugu dambeyn Raiisul wasaaraha JFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa hambalyo u diray dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed,  dhinaca kalena waxa uu kula dardaarmay shaqaalaha dowladda in si wanaagsan ay u gutaan waajibaadkooda, iyaguna ay ka shaqeyn doonaan in la helo xuquuqda shaqaalaha.

“Dowladdu waxey balan qaadeysaa mushaaraadka shaqaalaha, iyagana waxaan ka rabnaa iney nagala shaqeeyaan sidii aan u heli laheyn xuquuqdooda”ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali...

Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Madasha 3-aad ee...