Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka oo tababbar ku soo qaatay dalka Ingiriiska

Date:

Waxaa maanta dalka dib ugu soo laabtay sarakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo tababbar aqoon kororsi ah ugu maqnaa dalka Ingariiska ( UK ).

Saraakiishan ayaa waxa ay soo barteen sida loo hubiyo dukumintiyada iyo hababka Socdaalka waxana ay aqoonta ay soo barteen uga faa’ideyn doonaan saraakiisha kale ee Hay’adda ka howlgasha ee aan fursadda u helin inay ka qeyb galaan aqoon kororsigaasi.

Tababbarkan ay sarakiisha ku tageen Yurub ayaa noqonaya tababarki saddexaad ee saraakiil ka tirsan Hay’adda Soccdaalka iyo Jinsiyadda u tagaan dalalka dunida ugu hormarsan, waxana tababarkan Ingariiska ( UK ) ka horeyay tababbaro kale oo lagu qabtay garoomada diyaaraha ee dalalka Norway iyo Denmark.

23-kii bishan ayay saraakiishan u amba baxeen dalka Ingiriiska, kuwaasi oo tababbar aqoon kororsi ah ku soo qaatay Garoomada diyaaradaha dalka Ingariiska, gaar ahaan Garoomada magaalooyinka London ,  Manchester iyo Birmingham.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...