Maamulka Hirshabeelle oo qorsheynaya in dib u habeyn lagu sameeyo garoomada cayaaraha

Date:

Wasiiirka Dhallinyarada, Dhaqancelinta iyo Cayaaraha ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdiqani Cabdullahi Hilowle (Jeenyo) ayaa sheegay in la dayactirayo garoomada kubadda cagta ku yaala magaalada Jowhar iyo garoomada kale ee ku yaala guud ahaan deegaanada Hirshabeelle.

Cabdiqani Cabdullahi Hilowle (Jeenyo) oo booqasho ku tegay garoomada kubadda cagta ee ku yaala magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa tilmaamay in ay xoogga saarayaan sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa garoomada kubadda cagta ee labadaasi magaalo ku yaala.

Cabdiqani (Jeenyo) oo ka qeybgalay daawashada mid kamid ah ciyaaraha heerka koowaad ee ka dhacday garoonka kubadda cagta ee xaafadda Horseed, kaasi oo u dhexeysay kooxaha Sahan iyo Horseed ayaa warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha xirirka kubadda cagta ee Jowhar Guuleed Cabdi Guuleed iyo Xoghayaha xiriirka kubadda cagta ee gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Hilowle.

Wasiiirka Dhallinyarada ee Hirshabeelle ayaa Warbaahinta u sheegay  in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu dayactiri doono garoomada kubadda cagta ah, isla markaana loo sameyn doono fadhi ay dadka u soo daawasho taga ku fariistaan.

Dhanka kale Wasiiirka Dhallinyarada, Dhaqancelinta iyo Cayaaraha ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa kormeer ku tegay xarun lagu dhaqan celinayo dhallinyaro ka soo goostay maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaasi oo ujeedkiisu ahayd u kuurgelidda xaalada nololeed ee dhallinyaradaasi.

Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa haatan ka socda tartan horyaalka heerka koowaad, taasoo ay ka qeybgalayaan 8 koox oo heerka koowaad ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safaaradda JFS ee Kenya oo si heer sare ah u xustay sanad-guuradii 65-aad ee Maalinta Xorriyadda

Safaaradda Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya ee dalka Kenya oo xustay...

Wasiiru Dowlaha Qorsheynta oo ka Qayb Galaya Shirka 2aad ee Guddiga Sare ee Machadka Qorsheynta Carabta (API)

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane...

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday Heshiis iskaashiga dhinaca gaadiidka ah

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Jubbadda Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa saaka...