R/wasaare Xasan Cali Kheyrre oo dad shacab ah shaah kula cabay maqaayad ku taal Muqdisho

Date:

R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyrre ayaa dad shacab ah kula shaahay maqaayad ku taal degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Ra’iisul wasaaraha oo kasoo baxay hotelka City Plaza oo xaflad dhaqaale loogu aruurinayay dadka abaaruhu saameeyeen ayaa si lama filaan ah ugu soo degay gaarigiisa, isagoo la fadhiistay dhalinyaro aad u yaryar oo maqaayad shaah ka cabayay, isagoo la  sheekeystay dhalintaasi.

“Waxan shacabkeyga u sheegaya inaan la wadaagi doono wax walba oo nala soo gudbonaada, inagoo ku jirno halganka lagu soo celinayo sharaftii dalka iyo ummadda” ayuu yiri R/wasaaraha.

Todobaadkii hore ayeey aheyd markii R/wasaare Kheyrre uu tagay xeebta xeebta Liido, isagoo kula sheekeeystay dhalinyaro u damaashaad tagtay xeebta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...