Golaha Wasiirrada Jubbaland oo ka shiray Ammaanka

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir gudoomiyay kulanka Khamiis laha ah ee Golaha Xukuumada.

Kulanka maanta waxaa kale oo ka qayb galay labada Madaxweyne ku xigeen iyo Xubnaha Golaha ee aan hawlaha shaqo ku maqnayn.

Si gaar ah waxaa kulanka maanta diirada loogu saaray Arimaha amaanka gaar ahaan hawlgalada Hay’adaha amaanku ay maalmahan ka wadeen Magaalada Kismaayo kuwaas oo lagu fashiliyay isku dayo ay nabad diidku ku doonayeen in ay ku dhibaateeyaan Bulshada.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in uu rajaynayo in maalmahan hawlgaladaas ay sii socdaan waxaana uu Bulshada ku booriyay in ay Ciidamada la shaqeeyaan.

Sidoo kale kulanka inta uu socday waxaa lagaga hadlay xaalada abaaraha ee Gobolka oo hada kasoo raynaysa gaar ahaan qaybo katirsan Jubada Hoose oo roobab lagu diirsaday ay ka da’een.

Golahu wuxuu bogaadiyay gargaarka Walaalaha Imaaradku ay soo gaarsiiyeen dadka Barakacayaasha ah ee ku nool Kismaayo waxaana uu ugu baaqayaa Bulshada in ay isku Naxariistaan oo walaalahooda dhibaataysan ay u gurmadaan.

Arimaha Dhulka Xubno katirsan Golaha Wasiirada ayaa soo jeediyay in Dowladu ay wax ka qabato Xaalada Xaafada Dalxiiska halkaas oo ah goob isku raran ah oo dad aad u farabadan oo Barakacayaal ah ay dagan yihiin isla markana dadkaas loo sameeyo dib u dajin Xaafadaha qaar ee Magaalada ah si mashquulka halkaas ka jira uu u yaraado.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac,...

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Howlgal culus oo ka dhan ah Khawaarijta oo laga fuliyey qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah,...

Habkee u shaqeysaa xarunta soo dhoweynta iyo daryeelka dadka dalka ku soo laabanaya?

Ku-xigeenka Xoghayaha 2-aad ee Safaaradda Sweden, David Kollberg, iyo...