Guddi Saraakiil ah oo tababari doono ciidan boolis oo uu yeesho Maamulka Hirshabeelle

Date:

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Dowladd goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa tababar magaalada Muqdisho ugu soo xiray saraakiil sar sare oo booliis ah oo ka shaqeyn doonaa dhisidda iyo tababarida Ciidan Boliis ah oo ay yeelato Hirshabeelle.

Saraakiishani iyo qubaro dhinaca booliska ah ayaa ka faa’ideystay tababarkasi oo soconayay seddexdii cisho ee la soo dhaafay, waxaana ka qey qaatay tababarkaasi oo hirgelintiisa lahaa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo AMISOM.

Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa qorsheyneya dhisida ciidan boolis oo u gaar ah oo awood u yeesha hanashada amniga deegaanada Hirshabeelle, waxaana la diyaarinayaa qorista iyo tababarida ciidamadaasi oo ka shaqeyn doona u qidmeynta bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Hirshabeelle.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle oo tababarkaasi soo xiray ayaa u mahadceliyay AMISOM iyo Xafiiska Qarmada Midoobay ee Soomaaliyay sida ay u fuliyeen tababarkani oo ah mid dhaxal gal ah oo ay ka faa’ideysteen guddigan ka shaqeyn doona hirgelinta iyo dhisida Ciidan Boolis ah oo ay yeelato Hirshabeelle.

Dhowaan ayaa la filayaa in Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble uu tababbar u furo Dufcadii ugu horeysay oo Ciidamo boolis ah oo uu yeesho maamulka.

  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka Baarlamaanka oo sheegay in kalfadhiga 7-aad furmi doono 20-ka bishan

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kulan la qaatay Madaxa EUCAP ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Muqdisho oo laga furay aqoon is waydaarsi ku saabsan horumarinta adeegyada Dowladda

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xirsi Gaani...

Ceeldheer ciidanka xoogga oo weli ururinaya maydadka khawaarijtii lagu laayey dagaalkii shalay

Ceeldheer Ciidamada Xoogga Dalka ayaa daafaha magaalada Ceeldheer ee...