Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara wada hadal ku yeeshay(Sawirro)

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalkaasi.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,  waxaa soo dhoweeyey madaxweynaha dalka Turkiga mudane Recep Tayyip Erdogan , labada madaxweyne ayaa salaan ka qaatay ciidanka Qalabka Sida ee Turkiga oo soo dhoweynta madaxweyne Farmaajo ee madaxyootada Turkiga ka dhacdey joogey.

Labada madaxweyne ayaa qaatay kulan gaar ah oo ay uga hadleen xiriirka labada dal, madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo  ayaa xaaladda abaaraha iyo midda guud uga warramay dhiggiisa Turkiga, waxa uu ka mahadceliyey dedaallada dowladda iyo shacabka Turkiga ay uga qeyb-galaan gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay abaaraha saameeyeen.

Sidoo kale madaxweynaha Turkiga, mudane Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in booqashada Madaxweyne Farmaajo uu ku faraxsan yahay, isla markaana labada dowladood ay  mar walba ka wada shaqeyn doonaan sidii horumar iyo degnaasho loo gaarsiin lahaa dadka iyo dalka Soomaaliyeed, dowladda Turkiga waxa uu sheegay in aysan marnaba ka daali doonin howlaha horumarinta iyo dhismaha ee ay ka waddo gudaha Soomaaliya.

Waxaa jiri doono heshiisyo iyo wada hadallo kale oo si rasmi ah u dhexmari doona Soomaaliya iyo Turkiga.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...