Deeq ay soo dhiibeen marwada madaxweynaha iyo duqa Muqdisho oo loo qeybiyay bukaanno ku jira isbitalka Deyniile

Date:

Deeq gargaar ah oo ka koobneyd dhar iyo lacag ayaa waxaa la gaar siiyay ku dhawaad 200 haween ah oo qaba xanuunka isku furanka ah,  kuwaas oo lagu dabiibayay isbitaalka Deyniile ee Magaalada Muqdisho waxaana deeqadani soo dhiibay Marwada Madaxweynaha J.F Soomaliya iyo Guddoomiyaha Gobalka Banadair ahna Duqa Magaalada Muqdisho iyadoo loo wakiishay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir.

Deeqdan la gaarsiiyay bukaannada ku jira Isbitaalka Deyniile waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaan Hibo Aadan oo ka mid ah mudanayaasha Barlamaanka Dalka Switzerland waxeyna mas’uuliyiintan qeyb qeyb u booqden qeybaha uu ka kooban yahay isbitaalka iyagoo dhaqaatiirta isbitaalka Deyniile ka wareestay xaaladda bukaannada iyo baahida ka jirta isbitaalka.

Caasha Shaacur, Deeqa Cabdiqaadir Axmed iyo Sahra Maxamed Amiin oo isbitaalka ka hadlay ayaa ugu baaqay dadka wax heeysta in ay gacan ka geeystan caawinaadda dadka Soomaliyeed ee u baahan adeegyada caafimad.

Xildhibaan Hibo Aadan oo ka mid ah Baarlamaanka Dalka Switzerland ayaa ballan qaadday in dowladda Switzerland ay kala hadli doonto sidii loo caawin lahaa bulshada Soomaliyed ee u baahan adeegyada caafimadka.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir Jawaahir Baarqab oo warbaahinta la hadashay ayaa tilmaamtay in deeqdan ay soo dhiiben marwada madaxweynaha iyo duqa magaalada Muqdisho.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka oo laga Daah-furay degmada Galcad

Maamulka iyo shacabka magaalada Masagawaay ee degmada Galcad ayaa...

Ololaha todobaadka dhir beerista oo ka billaawday xarumaha dowladda

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Maxamed Cabdi...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay Xildhibaan Faarax Macallin iyo wafdi la socday

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed...