Wasiirka Dhalinyarada Oo Kulan La Qaadatay Ururrada Dhalinyarada Dalka Qaarkood

Date:

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa kulan wadatashi iyo is dhageysi ah la qaadatay ururrada dhalinyarada dalka ka jira qaarkood.

Kulankan waxaa Wasiirka ku wehliyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Axmed Cumar Islow ayadoo kulankana looga hadlay xoojinta xiriirka Wasaaradda ay la leedahay dhalinyarada Soomaaliyeed iyo u diyaar garowga xuska munaasabadda dhalinyarada ee 15ka May.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Mudane Axmed Cumar Islow oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay yihiin xoogga bulshada islamarkaana Wasaaraddu ku dadaali donto sidii dhalinyarada kaalinta ay xaqa u leeyihiin lagu heli lahaa.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo kulanka ka hadashay ayaa dhalinyarada ku dhiiri gelisay iney doorkooda bulshada qaataan mar walbana Wasaaaraddana ay garab buuxa u tahay, sidoo kalena waxa ay ka hadashay in dhowaan ay magacaabi doonto guddi ka shaqeeya qaban qaabada munaasabadda 15ka May islamarkaana looga baahan yahay in ururrada dhalinyarada ay kaalintooda qaataan.

Ugu dambeyntii qaar ka mid ah dhalinyarada ka qeybgalay kulanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin fursadda ay Wasaaradda Dhalinyarada u siisay in la dhageysto aragtidooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaabilay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Warbixinta Madasha Daneeyayaasha Kalluumeysiga Soomaaliya

Hay’adda Cilmibaarista Badaha Soomaaliyeed (HCBS), oo kaashanaysa Magan Forum,...

Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Wafdi uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed...

Soomaaliya iyo Turkiga oo xoojinaya iskaashiga kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee JFS, Mudane...