Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliyeed oo la kulmay naafada Qaranka

Date:

Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliyeed mudane; Maxamed Sheekh Cusmaan Aaden (Jawaari) ayaa kulan la qaatay xubno ka mid ah ururka naafada Qaranka Soomaaliyeed ee uu fadhigoodu yahay Muqdisho.

Xubnahan kulanka la qaatay Afhayeenka golaha shacabka Soomaaliyeed ayaa waxay u soo bandhigeen dhibaatooyinka gaarka u ah iyaga ee ay doonayaan inay Dowladda dhexe wax ka qabato.

Mr;Salaad ayaa intaa ku daray in Dowladda ay ugu fadhiyaan in ay sameyso sharci qeexaya xuquuqda ay Dalka ku leeyihiin Dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Guddoomiyaha golaha naafada Soomaaliyeed Sayid Cali C/laahi Salaad, ayaa  sheegay inay Dowladda dhexe ka rabaan in dastuurka lagu daro qodobo caddeynaya daryeelka ay leeyihiin Dadka naafada ah.

Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa sheegay in laga shaqeyn doono dib u soo nooleynta wakaaladdii qaabilsaneyd daryeelka Dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Mudane Jawaari, ayaa ballan qaaday in golaha naafadda laga qeybgelin doono dib u eegista dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya, si ay u helaan xuquuqdooda.

Ma jiro tira koob rasmi ah oo qeexaya tirada Dadka Soomaaliyeed ee qaba baayihaha gaarka ah, waxaana xusid mudan in Dadka lixaadkoodu dhiman yahay ay qudhooda kala duwan yihiin dhan kasta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...