Hey’adda WFP oo raashiin nafaqeysan keentay Muqdisho

Date:

Hey’adda qaramada midoobey u qaabilsan cunada ee WFP ayaa sheegtay in magaalada Muqdisho ay ka dejisay diyaarad xamuul ah oo sida  raashiin nafaqeysan oo loogu talagalay dadka abaartu saameysay, cunadan nafaqada leh ayaa ah  buskut-ka soo celiya durba nafaqada kuwaas oo lagu quudin doono 31,000 oo ruux muddo sadex beri ah.

Xamuulkan ayaa lagu keeney diyaarad nuuceedu yahay, Boeing 747 oo ay ku tabarucday shirkadda  UPS Foundation oo fadhigeedu yahay Dubai,  waxaana kamid ah gargaarka WFP ay keentay dalka dawo oo ay u soo wakiilatay hey’adda kale ee ay bah wadaagta yihiin ee WHO.

“Jawabtan deg dega ah waxaa ay taageero muhiim u tahay qoysaska abaaruhu saameeyeen ee ku nool Soomaaliya ,”  waxaa sidaa sheegtay wakiilka WFP ahna gaasimaha xafiiska Khaliijka Abdallah Alwardat. Isagoo intaa ku daray “ Diyaaraddan xamuulka ah waxaa ay tusaale u tahay hey’adda WFP  iyo hey’adaha kale in si wadajir ah u gaaraan dadka u baahan caawimaada.”

WFP ayaa sidoo kale, sheegtay in cunada ay muhiim u tahay  dadka nugul gaar ahaan carruurta kuwaas oo ka barabaxay deegaanadii ay deganaayeen mana heli karaan raashiin iyo aqabka wax lagu karsado.

Sida qaramada midoobay laga soo xigtay qisastii, nus kamid ah tirada dadka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan  330,000 oo carruur ah ay heysato nafaqa daro, waxayna u baahan yihiin kaalmo deg deg ah.

Hey’adda cuntada u qaabilsan qaramada midoobay ee WFP ayaa xustay in maalmaha soo socda ay keeni doonto noocyo kale oo  ah raashiinka nafaqeysan ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...