Lacago loo uruurinaayo dadka ay saameyeen abaaraha oo ka socda Dalka Imaaraadka Carabta

Date:

Madaxda hey’adaha samofalka ee ka dhhisan dalka Imaaraadka Carabta ayaa bilaabay olole gargaar oo dadka ku nool dalkaasi ay kaga qeybqaadanayaan soo uruurinta lacago gaaraya shan boqol oo milyan oo Dirham oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee ay dhibatadu ka soo gaartay abaaraha.

Ololahaan oo ay hoggaaminayaan Madaxa Golaha sare ee Hey’adda Samofalka Cajmaan ee dalka Imaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin C/lla Al-nuceymi iyo ururka Bisha Cas ,waxaa si tasmi ah uu uga bilowday magaalooyinka uu ka kooban yahay dalka Imaaraadka Carabta,iyadoo dadka ganacsatada ah,kuwa caadiga ah ,maalqabeenada iyo shaqaalaha dowladda laga qaadayo adeegyada dhaqaale ee ay bixin karaan .

Tallaabadaan ayaa ka dambeysay fulinta amar todobaadkii hore ka soo baxay madaxweynaha Imaaraadka Carabta sheekh khalifa bin Zayid Aala nahyaan, kaas oo sheegaya in la uruuriyo lacago kaalmo ah oo lagu gargaarayo  dadka Soomaaliyeed ee ay waxyeeladu ka soo gaartay abaaraha.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in ay ka qeybqadaneyso ololahaasi dadka Soomaaliyeed loogu ururuurinaayo lacago kaalmooyin ah oo wax loogu qabto dadka la ildaran abaaraha eek u kala firirsan gobolada dalka,waxayna madaxda Imaaraadka ay xuseen in ay abbaal weyn u hayaan dadka Soomaaliyeed oo sanadihii lixdameedyadii iyo todobaatameeyadii gurmad u fidiyay dadka Imaaraadka

Madaxa Golaha saree e Hey’adda Samofalka dalka Imaraadka ayaa qiray in sida ugu dhaqsiyaha badan kaalmooyin dhaqaale loogu diri doono dadka Soomaaliyeed,iyadoo laga duulayo saaxiibtinimada qotoda dheer ee u dhaxeysa labada dal.

Maalinimadii shalay masaajidda iyo goobaha ganacsi ee dalka Imaaraadka Carabta waxaa ka bilowday ururinta lacago gurmad ah oo loo qorsheeyay dadka la ildaran abaaraha

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qayb Gashay Shirka Xuquuqda Aadanaha ee IGAD

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qayb gashay shir-sanadeedka...

Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Natiijo Muhiim ah ka Helay Ciyaartii Isreeb reebka Qaramada Afrika

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...