Wasiirrada Warfaafinta Destuurka guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka qeyb-galaya Bar. TEDx Muqdisho

Date:

Wasiirka Warfaafinta, wasiirka Destuurka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa ka qeyb-galaya Barnaamijka TEDx Muqdisho oo ah barnaamij isu keenna bulshada, siyaasiiyiinta, aqoonyahannada, abwaannada, Dhaqaatiirta, dhalinyarada, Haweenka iyo fikir curiyeyaasha Soomaaliyeed ayaa ka bilaabanaya goor dhow Muqdisho, kaas oo ay soo agaasintay Ilwad Elman.

Barnaamijkaan oo sannadle ah, sannadkaan waxa cinwaan u ah Iskaa wax u qabso, Ilwaad Elman oo madax ka ah barnaamijka TEDx Muqdisho, ayaa furtay barnaamijka, waxa ay sheegtay in u jeedada ay tahay sidii dadweynaha loo dareensiin lahaa dib u soo laabashada Muqdisho dhinac walba, si dagaaladii burburiyey dalka loogu badelo horumar iyo wax wada qabsi.

”Iskaa wax u qabso waxaan u doorannay in uu yahay Cinwaanka ugu habboon sannadkaan, waxaan aaminsahay in ay muhiim tahay dhiiragelinta hal u dhiggaas, waxaan kaloo aaminsanahay in dadka Soomaalida ah ay diyaar u  yihiin isku tashi iyo horumarinta dalkooda.”  ayeey tiri Ilwad Eman.

Waxa ay u mahadceliyey Telefishinka Qaranka, Basiir Peace iyo inta gacan ka geysatay in barnaamijkaan TEDx Muqdisho sannadkii afaraad lagu qabto Muqdisho.

.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo soo xiray shirka banbaxa Golaha Wasiirrada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay munaasabad lagu dhiirrigelinayay doorka dhallinyarada ee ilaalinta nadaafadda xeebaha

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Miami Beach oo lagu qabtay munaasabadda “Somali Stars Night 2026”

Magaalada Miami Beach ee gobolka Florida ayaa lagu qabtay...

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed,...